Friday, April 17, 2026
28.8 C
Mogadishu

XOG CUSUB: Madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo shaaciyay sababta uu dalka u gaarsiin waayay Doorasho Qof & Cod!

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi bixiyay ayaa waxaa uu kaga hadlay waxa ka hor istaagay inuu dalka Soomaaliya gaarsiiyo inay ka dhacdo Doorasho qof iyo Cod ah.

Xasan Sheekh ayaa marka hore sheegay in xiligii uu talada dalka qabanayay muddo yar kahor Al-shabaab laga saaray qeybo kamid ah dalka, isla markaana gudaha Muqdisho ay ka dhacayeen weeraro qaraxyo ah, lana qarxiyay hotelkii uu deganaa markii la doortay kadib, ayna dowladdiisa qaaday weeraro Al-shabaab looga xoreyay deegaano dhowr ah.

Sababta dowladdiisa dalka u gaarsiinin Doorasho qof iyo Cod ah ayuu Xasan Sheekh ku sheegay inay tahay in waqti farabadan iyo Kharash ka qaadatay dhimasha afar maamul Goboleeed iyo Arrimo kale oo u baahnaa in dib uhabeyn ballaaran lagu sameeyo.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in caqabadaha hortaagan in dalka Soomaaliya lagu qabto Doorasho qof iyo Cod ah ay kamid ah tirakoob la’aan dadka ah oo jirta, looba baahan yahay in tirakoob la helo, si looga ogaado deegaanada lagu kala badan yahay.

Xasan Sheekh ayaa Carabka ku dhuftay in muhiim ay tahay in markii dalka lagu qabanayo Doorasho qof iyo Cod si siman oo cadaalad ah ay ku dhacdo Doorashadaas, hayeeshee arrintaas ay ku imaan karto oo kaliya heshiis siyaasadeed oo la gaaro.

Ugu dambeyn Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in caqabado badan ay hor istaageen dowladdiisa, balse aysan sax aheyn in lagu qiimeeyo marxaladda hadda la joogo ee ay tahay in dib loogu laabto marxaladihii dalka ka jiray 2012-kii.

Hadalka Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu ku soo aadayaa, iyadoo haatan dalka ku jiro marxalado kala duwan, islamarkaana la aaday Doorasho dadban oo ay heshiis ka gaareen Madaxda DF Soomaaliya, dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...