Saturday, May 16, 2026
27.2 C
Mogadishu

Fanaanadii caanka aheyd ‘Saynab Xaaji Cali Baxsan’ oo Muqdisho ku geeriyootay

Muqdisho (Halqaran.com) – Allaha u naxariistee waxaa Isniinta maanta ah magaalada Muqdisho ku geeriyootay Fanaanadii caanka aheyd Saynab Xaaji Cali Baxsan oo ka mid ahayd Fanaaniintii Qaranka Soomaaliyeed.

Sii-hayaha Wasiirka warfaafinta dowlada federalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa xaqiijiyay geerida marxuumad Seynab Xaaji Cali Baxsan.

Saynab Xaaji Cali Baxsan waxay heesaysay 1964-tii ka hor, waxaana ay caan noqotay markii ay ku biirtay kooxdii xoogga dalka, waxaana Riwaayaddii ugu horraysay ee wax ka jisho ay ahayd Alla Aamin Ma iisho, taas oo uu Alifay Abwaan Axmed Saleemaan Bidde.

Fanaanadda oo qaaday heeso badan oo Jacayl iyo waddani leh ayaa ka mid ahayd fanaaniintii ugu horreeyey ee lagu aas-aaso kooxdii Waaberi.

Sidoo kale, Marxuumadda ayaa waxa ay qayb ka ahayd riwaayado badan oo si wayn bulshada Soomaaliyeed ugu dhex faafay.

Waqtigii burburka Saynab Xaaji Cali Baxsan inta badan waxay ku noolayd Magaalada Muqdisho, marka laga reebo Jabuuti iyo Turkiga oo caafimaad ahaan loogu qaaday.

Marxuumadda ayaa dhawrkii sano ee ugu dambeeyay ku xanuunsaneysay magaalada Muqdisho, iyadoo galabtana ay geeriyootay.

Bahda warbaahinta Halqaran.com, waxay tacsi tiiraanyo leh hawada u marinayaan dhammaan Umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Ehellada iyo qarabadii ay ka baxda Marxuumadda, Samir iyo iimaana Allaha ka siiyo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...