Sunday, April 19, 2026
29.5 C
Mogadishu

RW Rooble oo kulan la qaatay Wasaaradda Dastuurka & Gudiyada dib u eegista Dasturka

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan xog wareysi iyo wadatashi ah la yeeshay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La Socodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Dib u eegista Dastuurka ee Madaxa Bannaan, kuwaas oo uga warbixiyey halka ay marayaan hawlaha dhammeystirka Dastuurka iyo arrimaha horyaala.

Hay’adaha qaabilsan dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka ayaa Ra’iisul Wasaaraha warbixin ka siiyey hawlaha u qabsoomay muddadii la soo dhaafay.

Waxayna sheegeen in la dhamaystiray dastuurka boqolkii sideetan iyo shan, haatanna loo baahan yahay in la guda galo ilaa 10 qodob oo masiiri ah kuwaas oo u baahan wadaxaajood siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilaamay in Xukuumaddiisu ay ahmiyad gaar ah siinayso sidii loo dhammaystiri lahaa dastuurka KMG, iyada oo xoogga la saarayo qodobada u baahan wadatashiga guud, maadaama la soo dhammaystiray inta badan qodobadii kale ee farsamo.

Rooble ayaa waxa uu bogaadiyey shaqada ay qabteen Wasaaradda iyo Guddiyada u xilsaaran dhammaystirka dastuurka, kuwaasi oo ku shaqeeyay duruufo adag.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...