Friday, April 17, 2026
28.9 C
Mogadishu

SPORTS: Cristiano Ronaldo oo laga helay Cudurka Karoona Fayras (Covid-19)

SPORTS (Halqaran.com) – Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa la xaqiijiyay in laga helay Cudurka Karoona Fayras (Covid-19), xilli uu ku suganyahay waajibaadka xulka Qarankiisa ee Portugal.

Xiddiga 35 jirka ah ee weerarka uga ciyaara kooxda Juventus ayaa isku diyaarinayay in uu xulka Qarankiisa ku wajaho Sweden, kulan ka tirsan UEFA Nations League.

Ronaldo ayaa la sheegayaa in uuna lahayn wax calaamado ah oo muujinaya xanuunka.

‘‘Cristiano Ronaldo waxaa laga fasaxay shaqada xulka qaranka kaddib markii laga helay cudurka Covid-19, sidaasi darteed ma wajahi doono Sweden.”ayaa lagu yiri war qoraal oo ka soo baxay xiriirka kubbada cagta ee Portugal.

“Xiddiga reer Portugal aad ayuu u fiican yahay, wax calaamo ah kama muuqdaan, wuxuuna ku jiraa karantiil.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xiriirka kubbada cagta ee Portugal.

Tababare Fernando Santos ayaa yiri, “Kadib markii Cristiano Ronaldo laga helay, waxaa iyagana baaris cusub lagu sameeyay ciyaartoyda kale saaka oo Talaado aheyd, mana jiro ciyaaryahan kale oo laga helay, iyagoo diyaar u ah tababarka”.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...