Wednesday, June 24, 2026
26.4 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Puntland oo soo bandhigtay halka uu marayo baaritaanka qaraxii lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Nugaal

Nugaal (Halqaran.com) – Iyadoo 29-kii bishii Maarso ee sanadkan qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal lagu dilay Allaha u naxariistee guddoomiyihii gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir) ayaa maamulka Puntland waxay Lix bilood kaddib ay soo bandhigeen baaritaanka kiisaasi dilka marxuumkaasi.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Puntland Gaashaanle sare Maxamuud Cabdi Maxamed oo la hadlay Telefeshinka dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegay in kiiskaasi baaritankiisa uu soo gebagaboobey, islamarkaana ay hayaan dad loo qabtay weerarkaasi qaraxa ahaa, dhawaana soo bandhigi doonaan sida uu u dhacay falkaas.

Gaashaanle sare Maxamuud Cabdi Maxamed, waxaa uu sheegay guddoomiyaha in dadka kiiskaasi loo haayo ay ku jiraan gacanta Hay’adaha Amniga Puntland dhawaana ay u gudbin doonaan Hay’adaha Garsoorka si ay u Maxkamadeeyaan, walow uusan sheegin tira dadka ay u hayaan kiiskaas.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Puntland ayaa sheegay in bulshada ku nool degaannada Puntland ay heli doonaan xaqiiqada sida uu u dhacay weerarka qaraxa ah ee lagu dilay guddoomiyihii Gobolka Nugaal Puntland Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir).

Ugu dambeyn, AUN Cabdisalaan Gu’jir, guddooomiyihii Gobolka Nugaal ayaa ku dhintay qarax ismiidaamin ahaa oo 29-kii Bishii Maarso lagula eegtay agagaarka Saldhiga bartamaha ee magaalada Garoowe, waxaana weerarkaasi sheegtay ururka Al-Shabaab

Halka hoose ka dhageyso Codka Gaashaanle sare Maxamuud Cabdi Maxamed:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...