Jig-jiga (Halqaran.com) – Allaha u naxariisto ra’iisul wasaarihii hore ee dowladdii kumeel gaarka Prof. Cali Maxamed Khaliif Galeyr ayaa Khamiistii maanta ku geeriyooday magaalada jig-jiga ee dowlad deegaanka Soomaalida itoobiya.
Marxuum Cali Khaliif Galeyr geeridiisa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay sii-hayaha wasiirka warfaafinta dowladda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Khaliif ayaa lagu soo warramayaa in uu dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ku xanuunsanaa isbitaal ku yaalla magaalada Jigjiga.
Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul wasaaraha dalka iyo madaxda dalka ayaa ka tacsiyeeyay geerida Ra’iisul wasaarihii hore Prof Cali Maxamed Khaliif Galeyr.
Taariikh Nololeedka AUN Cali Khaliif Galeyr
Allaha ha u naxariistee marxuum Cali Khaliif Galeyr waxa uu ku dhashay magaalada Laasacaanood ee gobolka Sool, sanadka markuu ahaa 1941-kii waxaana waxbarashada aas-aasiga ilaa dugsiga sare uu ku qaatay degmada Sheekh ee uu ku dhameystay dugsiga sare sanadku markuu ahaa 1962-kii .
Sidoo kale, Cali Khaliif Galeyr waxa uu ka mid noqday xubnihii Baarlamaanka dowladdii Dhexe sanadkii 1980.
1989-dii waxaa uu madaxweyne Maxamed Siyaad Barre u magacaabay wasiirkii waxbarashada waxaana uu haahayay 1996 oo ay ku bur-burtay dowladdii dhexe.
Marxuum Cali Khaliif Galeyr waxa uu ka mid ahaa dadkii aqoonyahanada ahaa ee ka soo shaqeeyay shirarkii dib loogu yagleelay dowladnimada hadda aan ku naalooleyno ee lagu qabtay magaalada Carta ee dalka Jabuuti.
Ugu dambeyn, Marxuum Cali Khaliif Galeyr ayaa waxa uu noqday xildhibaan dowladii ku meel gaarka ah ee hoggaaminayay Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan, waxaana 8-dii Oktoobar ee 2000 uu u magacaabay xilka ra’iisul wasaarinimo, waxaana uu hayay illaa iyo Oktoobar 28-keedii Sandkii 2001-dii.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





