Tuesday, June 2, 2026
26.7 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Xasan Sheekh Maxamuud oo dowladda Madaxweyne Farmaajo ku tilmaamay mid guul-dareysatay

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay qorshihii dowladda Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo Cod ah balse aysan ku guuleysan inay dalka ka qabato.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo aysan qaban Shaqadii loo igmaday, islamarkaana dalka uu joogo meeshii uu uga tegay taasina ay muujineyso in dhawaan la qabanayo doorasho dadban.

“ In meeshii 2016 aan joogno waxaa kalifay in Shaqo la qaban waayay oo horumar siyaadadeed dalka uusan gaarin oo ay aheyd in horay loo socdo, waxaana nasiib xumo ah in dowladda aysan wax horurmar ah sameyn Afartii sano ee la soo dhaafay.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkaan waxaa uu sheegay xilli uu wareysi siiyay Tv-ga Soomaali Cable ee ka howlgalla Magaalada Muqdisho.

Halka hoose ka dhageyso Codka Xasan Sheekh:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmai.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...