Thursday, April 30, 2026
30.9 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo oo booqasho labo maalmood ah ay uga billaabatay dalka Ereteriya +(SAWIRRO)

Asmara (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Asmara ee xarunta dalka Ereteriya, halkaas oo ay uga bilaabmatay booqasho labo maalmood ah.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa qaabilaad iyo soo dhaweyn diirran ugu sameeyey Garoonka Diyaaradaha ee Asmara Madaxweynaha dalkaas Mudane Isaias Afwerki iyo xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Ereteriya.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlaya hannaanka kor loogu qaadi karo iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee labada dal, si loo dardargeliyo qorsheyaasha ku qotoma ganacsiga, maalgashiga iyo isku xirnaanta bulshada Gobolka.

Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa muujiyey dareenkiisa farxadeed ee booqashada Madaxweynaha iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in booqashadani ay qeyb ka tahay dadaallada wadajirka ah ee labada dowladood ay ku bixinayaan kor u qaadidda xiriirka iyo iskaashiga oo mudnaan u leh labada dal.

Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an adkeynta xiriirka iskaashi iyo dhaqaale ee dalalka gobolka, taas oo xoojineysa in dalkeennu uu door muhiim ah ka qaato geeddi socodka horumarineed ee ay hiigsanayaan dalalka gobolku.

  

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...