Saturday, June 20, 2026
27.5 C
Mogadishu

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Safarkii ugu horreeyay maanta ku tagi doona dalka Kuwait

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisal Wasaaraha Cusub ee DF Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa lagu wadaa in maanta uu safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda ah uu dalka dibaddiisa ugu baqoolo tan iyo intii loo Magacaabay xilkaas.

Mr. Rooble sida qorshaysan wuxuu socdaal ku tagi doonaa dalka Kuwait, ujeedada safarka ra’iisal wasaaraha ayaa ah ka qaybgalka tacsida Amiirkii dalka Kuwait Sheekh Sabah Al- Axmed Al- Sabaah oo ku geeriyooday dalka Mareykanka 29-kii  Bishii September ee sanadkaan.

Sidoo kale, Ra’isul Wasaaraaha Cusub ee Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Kuwait waxaa uu la kulmi doonaa Amiirka cusub ee dalkaas iyo Madax kale, isaga oo kala hadli doono arrimo ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta labada dowladood.

Amiirkii geriyooday ee dalka Kuwait oo la Aasay 30-kii Bishii September ayaa waxaa la filayaa in munaasabad baroordiiq ah loo qabto, waxaana ka qayb geli doona inta badan hoggaamiyayaasha wadamada carabta iyo Islaamka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...