Friday, June 19, 2026
25.6 C
Mogadishu

Madaxweyne Trump iyo Xaaskiisa oo laga helay Cudurka Covid-19

Washington (Halqaran.com) – Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa Twitterka ku shaaciyay in laga helay cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus (Covid-19).

Madaxweyne Trump oo 74 sano jir ah ayaa sheegay in isaga iyo Marwada Koobaad ee dalkaasi laga helay cudurka ayna bilaabeen inay iskarantiilaan, sidoo kalana ay mari doonaan habkii ay cudurkaasi uga soo kabsan lahaayeen.

Arrintan ayaa timid kaddib markii mid ka mid ah lataliyaashiisa aadka ugu dhaw, waa Hope Hicks ee, laga helay cudurka Covid-19.

Ms Hicks ayaa waxa ay madaxweynaha la raacday diyaaradda Air Force One taas oo uu todobaadkan ku tagay gobolka Minnesota, halkaas oo ay haweenaydaasi kaga soo baxeen calaamadaha cudurkaasi.

Dhakhtarka madaxweyne Trump Sean Conley ayaa waxa uu shaaciyay bayaan uu ku sheegayo in madaxweynaha iyo marwada koobaad “ay waqtigan la joogo xaaladoodu wanaagsan tahay, ayna qorshaynayaan in gurigooda Aqalka Cad ku sugnaadaan mudada soo kabshada ee loo baahanyahay.”

Ilaa iyo hadda lama oga sida Donald Trump uu u saamayn doonto Cudurkaan haleelay qabanqaabada doodda madaxtinimada ee labaad, taas oo la qorsheyay in Miami, Florida, lagu qabto 15-ka bishan Oktoobar.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...