Monday, May 25, 2026
26.4 C
Mogadishu

Shuruudaha lagu xiray Musharraxiinta Baarlamaanka Labada Aqal oo la sha..

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaqadir ayaa soo saaray jadwalka iyo habraaca doorashoyinka Soomaaliya iyo waliba shurudaha laga doonayo musharixiinta Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Musharax kasta oo u tartamaya Galaha Shacabka ama Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa in uu bixiyaa lacagta diiwan-galinta kuna shubaa xisaabta bankiga ee Guddiga Doorashooyinka.

Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare waxay noqonaysaa $20,000 (labaatan kun oo dollar) musharax kasta.

Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Golaha Shacabka waxay noqonaysa $10,000, (Toban Kun oo dollar) musharax kasta.

Haddaba, halka hoos Ka Akhriso Shuruudaha laga rabo musharaxiinta u tartamaya Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka:

  1. In uu yahay muwaadin Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed
  2. Dhimirkiisu u dhan yahay
  3. Da’diisu ka yarayn 25 sano
  4. Aan xuquuuqdiisa muwaadinimo go’aan maxkamadeed lagu hakin shanti (5) sano ee ugu danbeysay.
  5. Uu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta.
  6. In uusan ka tirsanayn ama wax xiiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada ah
  7. In uu haysto waraaqda danbi la’aanta ee hay’adda danbi baarista (CID) ee dalka.
  8. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta dib looma celinayo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.clom

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...