Sh/Hoose (Halqaran.com) – Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa Howlgal Qorsheysan ka fuliyay deegaanka Leego ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Howlgalka uu ahaa mid Qorsheysan ayaa Ciidanka Danab waxaa la sheegay inay ku dileen 7 Xubnood oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa Gudaha deegaanka leego.
General Odowaa Yuusuf Raage, taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo la Hadlay Idaacada Ciidamada ayaa Sheegay in Ciidamada Danab ay Saqdii dhaxe Howlgal Qorsheysan ka fuliyeen Deegaanka Leego ee Gobolka Shabellada Hoose.
Taliyaha ayaa sheegay Generaal in Howlgalka lagu dilay ku dhawaad 7 ka tirsan Al-Shabaab , isla markaana weli Ciidamada ay howlgallada wadaan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





