Thursday, July 16, 2026
25.2 C
Mogadishu

DHAGEYSO: R/W Rooble oo sheegay in uu si deg-deg ah wax uga qaban doono Kufsiga Haweenka & Carruurta

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha cusub ee xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo Axaddii maanta si rasmi ah xilka ula wareegay ayaa ka hadlay tallaabooyinka ugu horreeya uu qaadi doono, isagoona shaaca ka qaaday lix arrimood.

Mr. Rooble ayaa sheegay, in arrimaha Amniga, Doorashooyinka, Horumarinta Dhaqaalaha, Caddaaladda iyo Adeegga Bulshada, ay yihiin arrimaha ugu muhiimsan ee xiligan ay xooga saari doonto xukuumaddiisa.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xusay in uu soo magacaabi doono khabiir sharci oo baaris iyo dabagal ku sameeya tacadiyada jinsiga (kufsiga) ee lagula kaco haweenka iyo caruurta, isagoo kaashanaya hay’adaha caddaaladda dalka.

“Waxaan soo magacaabi doonaa khabiir sharci oo gaar ah oo xil weyn iska saara baarista iyo la dagaalanka tacadiyada Jinsiga (Kufsiga) ee lagula kaco haweenka iyo caruurta, si uu ugala shaqeeyo hay’adaha Cadaaladda iyo Garsoorka, waxaanu qaadi doonnaa tallaabo kasta oo ku habboon oo lagula dagaallamo fal- dambiyeedyada noocaas ah”.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaare Rooble ayaa waxaa uu sheegay in dhawaan uu si deg-deg ah ku soo dhisi doono Golihiisa wasiirrada si ay u dar-dar geliyaan howlaha Shaqa ee horyaalla oo ay ka sugayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Halka hoose ka dhageyso Codka Ra’iisul Wasaare Rooble:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...