Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BF Soomaaliya, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Hoygiisa ku qaabilay Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Labadan mas’uul ayaa kulanka uga wada hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka uu xilligaan maraayo iyo arriimaha la xiriira doorashooyinka dalka oo dhawaan bilaabanaya.
Guddoomiye Mursal ayaa Axmed Madoobe uga mahadceliyay doorka uu ka qaadanayo geedi socodka dowladnimada Soomaaliya iyo ka qeyb galay Shirkii looga hadlay Arrimaha doorashooyinka ee lagu qabtay Madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa maalmahaan kulamo siyaasadeed ka wada magaalada Muqdisho, waxaana uu shalay la kulmay R/Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





