Sunday, May 10, 2026
27.6 C
Mogadishu

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ‘Rooble’ oo kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha Jubbaland

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa khamiistii maanta kulan la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Labadan mas’uul ayaa kawada hadley in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii dalku uga gudbi lahaa waqtiga kala guurka doorashaduna ku qabsoonto sidii loo qorsheeyey.

Madaxweynaha Jubbaland iyo R/Wasaare Rooble ayaa si qoto dheer isugula faaqiday in laga wada shaqeeyo sidii ku qabsoomi laheyd doorashada dalka, islamarkaana marxaladda kala guurka ah dalka uga gudbi lahaa.

Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Maxamed Xuseen Rooble oo ay shalay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen Xildhibaannada BF Soomaaliya ayaa tan iyo markii xilkaasi loo magacaabay, wuxuu kulamo kala duwan la qaatay masuuliyiin kala duwan oo dowladda Somaliya iyo madaxda maamul goboleedyada dalka.

Mr. Rooble ayaa looga fadhiyaa inuu soo dhiso Gole Wasiirro cusub oo dalka ka shaqeeya, maadaama kuwa hadda jooga ay yihiin Sii hayayaal xilalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...