Monday, June 1, 2026
27.6 C
Mogadishu

Booliska Cadaado oo soo qabtay Gaari siday Khamri aad u fara badan +(SAWIRRO)

Cadaado (Halqaran.com) – Ciidamada booliska degmada Cadaado oo howlgal ballaaran sameeyay ayaa soo qabtay gaari nooca laan-garuusalka ah oo siday waxyaabaha maanka dooriya, waxayna ka koobnaayeen 124 dhalo oo Khamri ah.

Taliyaha ciidanka Booliska ee Cadaado, Cali Maxamed Xasan (Cali dheere) ayaa sheegay inay hayeen xogta garigaan oo maalmahaanba ay kuraad jogeen, ugu dambeena ay gacanta ku soo dhigeen garigan iyo darawalkiisa.

“Xogta gaarigaan waan heynay, waana ku raad joognay maalamahaan waxaana ciidanka booliska ka go’an inaan si adag ula dagaalanno waxyaabaha maanka dooriya oo mararka qaar ay ka dhashaan fal dambiyeed‘‘, ayuu yiri Talliye Cali Dheere.

Guddoomiya degmada Cadaado, Cabdullaahi Cabdirraxmaan (Tootole) ayaa uga mahadceliyay ciidamada sida ay waxbadan uga bedeleen xaalada degmada, isagoona ku amaanay in guullo isdaba-joog ah ay gaarayeen ciidanka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...