Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

DF Soomaaliya oo war ka soo saartay Shilkii diyaaradeed ee Garoonka Aadan Cadde & duulimaadyadii oo dib

Muqdisho (Halqaran.com) – War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in diyaarad nuuceedu yahay Fokker 50 oo ay leedahay shirkadda Silverstone Air Service nambarkeedu yahay SY-MHT ay maanta soo Sabti ah September 19, 2020 07;55 AM subaxnimo ku gashay shil garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Diyaaraddu ayaa sidday xamuul iyo afar (4) shaqaale, taasi oo ka baxday magaalada Muqdisho, iyadoo raashin u sidday magaalada Beladweyne, Wax yar kaddib marki ay diyaaraddu hawada gashay ayuu duuliyihii diyaaradda soo gashay cillad (hydraulic problem) wuxuuna dib ugu soo laabtay garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Diyaaraddu ayaa ka soo caga dhigatay garoonka Aadan Cabdulle dhabbaha diyaaradaha dhanka (runway 05), iyadoo cilladdii uu soo tebiyay duuliyaha awgeed ay diyaaraddu ka baxday dhabbaha diyaaradda, waxayna ku dhacday darbiga garoonka.

Shaqaalihii la socday diyaaradda dhamaan ayaa lagu guuleystay in la soo badbaadiyo iyagoo dhaawac ah, sidoo kale diyaaradda ayaa waxaa soo gaaray bur bur.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in abaaro 2:00 duhurnimo ee maanta dib loo furay garoonka oo ay si caadi ah ku bolowdeen howlihii duulimaadyada.

Halka hoose ka akhriso War-saxaafadeedka:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...