Muqdisho (Halqaran.com) – Sii-hayaha ra’iisul wasaaraha dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Magacaabay guddi ka shaqeyn doona xil wareejinta raiisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.
Guddiggaan ayaa waxaa ka mid ah sii-hayeyaasha xilka Wasiirada Dhallinyarada iyo ciyaaraha, Gaashandhiga, qorsheynta, dastuurka, duulista hawada iyo caddaalada.
Guddiggaan ayaa lagu waddaa in ay ka shaqeeyaan sidii xilka loogu wareejin lahaa Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka.
Waxaa xusid mudan in guddiggaan aysan ku jirin wasiiraddii saameynta kulahaa xukuumaddii hore ee Xasan Cali Kheyre oo uu ka mid yahay Wasiirka Amniga.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





