Friday, April 17, 2026
28.9 C
Mogadishu

Wasiiru dowlayaal ka tirsan Jubbaland iyo Puntland oo Beesha Caalamka kala hadlay arrimaha doorashooyinka

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiiru dowlayaal ka tirsan dowlad goboleeydada Jubbaland iyo Puntland ayaa magaalada Muqdisho kula kulmeen wakiilka Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya iyo Safiirrada Mareykanka, UK iyo Midowga Yurub.

Wasiiru dawlaha Madaxtooyada dowlad goboleedka Jubbaland Xirsi Jamac Gaani iyo Wasiiru Dawlaha Wasaarada Maaliyada Puntland Maxamed Cabdiqaadir Cismaan ayaa Muqdisho kulan kula yeesheen Wakiilka Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya James SWAN, Safiirka UK Ben Fender, Safiirka Maraykanka Amb, Yamamoto iyo Safiirka Mudowga Yurub Nicolas Berlange.

Labadan mas’uul oo kamid ah Wafdiga Muqdisho ee Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa waxaa ay Xubnaha Beesha Caalamka kala hadleen kobcinta dhakhliga gudaha, dayn cafinta Soomaaliya, deeqaha adduunku ugu deeqo Soomaaliya, horumarka laga sameeyey dib u habeynta hannaanka Maaliyada Puntland iyo arimaha Siyaasada Soomaaliya ee xiligaan taagan oo ay kamid yihiin arrimaha doorashooyinka.

Xubnahan ka socda Beesha Caalamka ayaa kulanka inta uu socday waxa ay ballan qaadeen inay ka taageeri doonaan dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, amniga, dhaqaalaha iyo waxyaabaha muhiimka u ah bulshada.

Madaxda Jubbaland iyo Puntland ayaa ku sugan Caasimadda Muqdisho, waxayna qeyb ka yihiin Shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda dowlad goboleeyada dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...