Saturday, April 18, 2026
27.9 C
Mogadishu

Sarkaal Al-Shabaab howlo muhiim ah u qaban jiray oo lagu dilay gobolka Baay

Awdiinle (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya, in ciidamo ka tirsan kuwa dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyeen inta u dhaxeysa degmooyinka Bardaale iyo Awdiinle ee gobolkaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan laamaha ammaanka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegeen in ciidamada ay toogasho ku dileen Sarkaal caan ka ahaa deegaannada maamulkaas, kaas oo lagu Magacaabi jiray Ibraahim Macallim Cabdi (Ibraahim Ganey).

Laamaha Ammaanka ee Koonfur Galbeed ayaa Warbaahinta u sheegay in howlgalka intii lagu guda jiray in gacanta lagu dhigay hub farabadan iyo agabyo kale.

Ciidamada DF Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa mararka qaar waxaa ay fuliyaan howlgallo kala duwaan.

Ururka Al-Shabaab ayaa weli ka hadlin warkaan kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed ee ku aadan inay dileen sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...