Thursday, June 4, 2026
26.9 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRKA: Haweeney iyo Saddex Nin oo Shabaab ahaa oo Dil mas’uul sare geysan rabay oo lagu toogtay Muqdisho

Taliye ku xigeenka Ciidanka booliska, Zakiye Xuseen /Sawir Keydka Halqaran.com

Muqdisho (Halqaran.com) – Ciidamadda ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Jimcihii maanta isgoyska Bakaaraga ee magaaladda Muqdisho ku toogtay Afar ruux oo midi haweeney ay aheyd oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Taliye ku xigeenka Ciidanka booliska, Zakiye Xuseen, ayaa sheegtay, in xubnahaan ay doonayay in ay dilaan agaasime ka tirsan wasaaradda waxbarashadda Xukuumadda Soomaaliya.

”Ciidanka boliiska degmada Howlwadaag ayaa ku guuleystay in ay ka hortagaan isku day dil lala beegsan rabay Agaasimaha Howlaha Wasarada Waxbarashada Mudane Cabdi Gare, israsaaseyn ka dib waxay ciidamada toogteen dhagarqabayaasha oo ahaa 3 wiilal iyo hal haweeney oo hubka u siday” ayay tiri taliye Zakiya Xuseen.

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, ayaa isla markiiba goobta ku soo bandhigay, meydadka xubnahaasi ak tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab. Waxaana goobta ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay, dagaalka ay kula jirto dowladda Soomaaliya, iyadoo dilal qorsheysan iyo weerar is-qarxin ah la beegsato ciidamada iyo mas’uuliyiinta dowladda.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...