Thursday, April 30, 2026
29.9 C
Mogadishu

Haweeneydii Talyaaniga aheyd ee horey loogu afduubtay Somaliya ‘Silvia’ oo xil looga magacaabay Midowga Yurub

Milano (Halqaran.com) – Jariirada ka soo baxda dalka Talyaaniga ee La Repubblica ayaa shaacisay in Silvia Romano haweenaydii Al-Shabaab kasoo qafaalatay Kenya, mudana lagu heystay gudaha Soomaaliya, balse markii dambe la sii-daayay xil looga Magacaabay Midowga Yurub.

Silvia Romano oo u dhalatay dalka talyaaniga ayaa waxaa la sheegay in loo magacaabay danjiraha qaarada Yurub ee la dagaalanka Islaam naceybka, iyada oo ka qeybqaadaneysa mashruuc uu Urrurka Midowga Yurub kula dagaalamayo Islaam naceybka.

Haweeneydaan ayaa la sheegay in si aan qasab aheyn ku qaadatay Diinta Islaamka, muddadii ay u afduubneyd Urrurka Al-Shabaab, iyada oo Magaceedii Silvia Romano loogu beddelay Caa’isha.

Mashruuca la dagaalanka Islaam naceybka ee loo xil saaray Silvia Romano ayaa waxaa ay ka bilaabi doontaa Magaalada ay ku nooshahay ee Milan ee dalka Talyaaniga, si ay u gaarsiiyo dalalka kale ee Qaarada Yurub.

Silvia Romano ayaa sidoo kale waxaa ay la Shaqeyn doontaa Ururo kale oo arrimahaan loo xilsaaray, kuwaas oo kala ah Fondazione L’Albero della Vita, Le réseau iyo Progetto, kuwaas oo dhamaantood ku mideysan mashruucaan oo lagu Magacaabo YES, iyaga oo arruurin doona macluumaad lagu taageerayo dadka la kulmay dhibaatooyinka faquuqa ku saleysan.

Ugu dambeyn, Sababta ugu weyn ee xilkaasi loogu magacaabay ayaa lagu sheegay inay tahay qof caan ah, islamarkaana iyada lafteeda ay la kulantay falal la xiriira Islaam naceyb.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...