Thursday, April 30, 2026
32.9 C
Mogadishu

Shirkii Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada oo goordhow ka furmay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa goor-dhow Axadda maanta ah si rasmi ah xarunta madaxtooyada Soomaaliya uga furmay Shirkii u dhaxeeyay DF Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Shirkan oo ah mid albaabada u xiran ayaa waxaa looga hadlayaa dhammeystirka hannaanka doorashada dalka 2020/2021-ka, wuxuuna daba socdaa Shirkii Dhuusamareeb3.

Shirka Madaxweyne Farmaajo, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa dhowr jeer oo hore baaqday sababo la xiriira khilaaf u dhaxeeyay Madaxtooyada iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Waxaana ka qeybgalaya Shirkan Madaxweynaha JF Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirkan inta uu socdo ayaa waxaa lagu fallanqeyn doonaa arrimo la xiriir doorashooyinka dalka, si go’aan rasmi ah looga gaaro lana qabto doorasho la isku waafaqsan yahay.

Warar ay helyso Warbaahinta Halqaran.com ayaa sheegaya, in madaxda ay maareyn waayeen in uu shirku noqdo qaab furan oo ay Saxaafadda goobjoog ka noqoto furitaanka shirka.

Xubnaha Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa kulanka kor kala socda, waxaana jirtay in Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ay cadaadis ku saareen inay yimaadaan Muqdisho si ay shirkaan uga qeybgalaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...