Wednesday, May 27, 2026
27.9 C
Mogadishu

RW hore ee Somaliya ‘Xasan Cali Kheyre’ oo ku dhawaaqay inuu yahay Musharrax Madaxweyne

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra‘iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa caawa si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu yahay Musharrax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha dalka Soomaaliya.

War qoraal ah oo uu caawa soo saaray Xasan Cali Kheyre ayuu ku caddeeyay mustaqbalkiisa siyaasadeed, isagoona sheegay inuu yahay musharrax u taagan xilka madaxweynaha xiga ee dalka.

Haddaba halka hoose ka akhriso qoraalka RW hore ee Soomaaliya:

Bismillah,

Walaalayaal, waxaan shaki ku jirin in labaatankii sano ee la soo dhaafay ay dawlanimadeennu hore u socotay, tallaabadeeduba ha gaabnaatee. Muddo xileedkii 5aad ee geeddi socodkaas, ummadda Soomaliyeed waxaan ugu soo adeegay mas’uuliyad Ra’iisul Wasaare. Xilkaas oo waxna lagu soo qabtay, Alle mahadii waxna laga soo bartay.

Hadda oo la sugayo hannaan loogu gudbo muddo xileed cusub ee dowladda Somaliyeed, waxaan fikir iyo talo wadaag dheer kaddib halkan idinkula wadaagayaa musharaxnimadayda jagada Madaxwaynaha JFS. Anigoo si dhab ah u fahamsan fursadaha iyo caqabadaha la xiriira hoggaaminta iyo waxqabadka dalkeennu u baahan yahay maanta iyo mustaqbalkaba, waxaan markale isu soo qaddimayaa in aan dadkayga ugu adeego si ay ku dheehan tahay karti, hufnaan iyo daacadnimo.

Mahadsanidiin

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...