Sunday, May 31, 2026
26.9 C
Mogadishu

Madaxweynaha Galmudug oo kulan muhiim ah la qaatay Safiirka Mareykanka

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dowladda Maraynkanka, Danjire Donald Yamamoto.

Qoorqoor iyo Yamamoto ayaa ka wada hadlay arrimaha Galmudug iyo xaaladda guud dalka, ayagoo si gaar ahna uga wada hadlay arrimo la xiriira Doorashooyinka 2020/2021 iyo dhammeystirka heshiiskii Dhuusmareeb3.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa ka mahadceliyay kulanka Madaxweynaha Galmudug, isagoona ku ammaanay Galmudugta cusub waxyaabihii u qabsoomay muddadii koobneed iyo doorkii ay ka qaadatay taabagelinta shirarkii Dhuusamareeb 1,2 iyo 3.

Kulanka labadan mas’uul ayaa ku soo dhammaaday si guul ah, ayadoo is afgarad laga gaaray dhammaan qodobbadii laga wada hadlay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...