Tuesday, April 21, 2026
28.4 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay Qaraxii Kismaayo & guddoomiye Shaafi Raabi oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qaraxaasi

Kismaayo (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo Jimcaha maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.

Wararka ayaa sheegaya, in qaraxaasi uu fuliyay nin naftiis haliga ah oo soo xirtay Jaakad ay ku rakibnaayeen waxyaabaha qarxa, islamarkaana isku qarxiyay iridka hore masaajidka Jaamac Qadiim ee magaalada Kismaayo.

Inta la xaqiijiyay, qaraxaasi ayaa waxaa ku dhintay 4 qof oo uu ku jiro qofkii isqarxiyay, halka 6 ruux kale ay ku dhaawacmeen.

Qaraxani ayaa si gaar ah loola beegsaday guddoomiyaha runta ganacsiga Jubbaland, Shaafi Raabi Kaahin, waxaana soo gaaray dhaawac halis ah oo ugu dambeyn ugu dhintay Isbitaalka.

Wararka ayaa sheegaya, in dadkii ku dhaawacay qaraxaasi ay u badnaayeen ilaalada guddoomiyaha rugta ganacsiga Jubbaland.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland ayaa xaqiijiyay in Guddoomiye Shaafi Raabi uu u geeriyooday dhaawicii ka soo gaaray qaraxa.

Ururka Al-Shabaab ayaa durba sheegtay mas’uuliyadda qaraxii ismiidaaminta ah ee maanta ka dhacay magaalada Kismaayo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...