Tuesday, April 21, 2026
28.4 C
Mogadishu

Duqii hore ee Muqdisho Thaabit Cabdi ‘‘Soomaaliya xilligaan uma baahna waqti lumid Siyasadeed‘

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana duqa Muqdisho, Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo Shirka la filayo in uu Muqdisho ku dhexmaro Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda dowlad Goboleedyada.

War qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in xilligaan Soomaaliya u baahneyn waqti lumid siyaasadeed, isla markaana Shirka muqdisho loo baahan yahay in uu noqdo midkii gunnaanadi lahaa geedi socodkii shirarka, doodihii arrimaha doorashooyinka iyo khilaafkii soo jiray.

Haddaba halka hoose ka akhriso qoraalka Duqii hore ee Muqdisho Mr.Thaabit Cabdi.

Marka la eego halka ay maanta Soomaaliya joogto, ma xamili karto waqti lumin siyaasaddeed, jahwareer doorasho iyo xifaaltan kooxeed. Ummaddeena intaas waa ka baahi badan tahay, waana ka maamuus weyn tahay.

Shirka #Muqdisho waa inuu noqdaa midkii gunnaanadi lahaa geedi socodkii shirrarka, doodihii arrimaha doorashooyinka iyo khilaafkii soo jiray, waana inuu xaaladda taagan si waadix ah u go’aamiyaa. Waxa qura ee la qaadan karo waa inuu shirkan kadib dalku doorasho aado, si ay shacabka, xisbiyada iyo cid walba u qaadato kaalinteeda.

Waxaan boggaadineynaa in dhammaan dhinacyadu aqbaleen iney #Muqdisho isugu yimaadaan, waxaana ku baaqeynaa in danta guud loo tanaasulo oo aan waqti kale laga lumin shacabka Soomaaliyeed ee indhaha iyo dhaggaha ku haya shanqarta siyaasiyiinta.

Wixii hadda kadib sii jiitama waxaa ay ka marqaati kici doonaan damac liita iyo mas’uuliyad darro, waxaana ceebteeda qaadan doonta ciddii fasha.

Jimco wanaagsan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...