Muqdisho (Halqaran.com) – Iyadoo Khamiista maanta ah taariikhduna ay ku beegan tahay 10/9/2020 qorsuhuna ahaa in xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho in uu shir uga furmo Madaxweynaha JFS Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka, balse la sheegay in uu dib u dhacay shirkaasi.
Warar soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in sababaha ugu weyn ee keenay in uu baaqdo shirka ay tahay in xal laga gaaro khilaaf weli ka dhex jira Maamul goboleedyada qaarkood sida Puntland iyo Jubbaland iyo Madaxtooyada Soomaaliya.
Sidoo kale, waxaa xalay baaqday munaasabad casho ah oo loogu talo galay Madaxda Dowlad Goboleedyada.
Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu sheegay in uu doonayo in la bilaabo tallaabooyinkii koowaad ee xal ka gaarista arrinta Gobolka Gedo.
Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa shalay shir ku yeeshay Baydhabo, iyaga oo sheegay in aysan wax shuruud ah ku xireyn shirka uu ku casuumay Madaxweyne Farmaajo, hayeeshee weli ay taagan yihiin caqado uu shirka la furmi la’yahay.
Ugu dambeyn, wararka ayaa sheegaya, in Maalinta Sabtida ah ee soo socota inay maqcquul tahay in uu furmo shirka u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda dowlad goboleedyada dalka, kaas oo looga hadli doono arrimaha doorashada Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





