Muqdisho (Halqaran.com) – Sii-hayaha Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka qeyb galay shirka Qaramada Midoobay oo ku saabsanaa caqabadaha dhaqaale ee uu sababay Covid-19.
Waxaa Shirkan ka qeyb galay ku dhawaad 73 Wasiiir Maaliyadeed iyo masuuliyiinta hay’adaha dhaqaalaha Adduunka oo Khudbad ka jeediyay shirka, kuwaas oo shaaciyay inay taageero maaliyadeed siinayaan wadamada uu saameynta dhaqaale ku yeeshay Cudurka.
Sii-hayaha Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in shirka muhiimadiisa uu ahaa sidii looga soo kabsan lahaa saameynta dhaqaale ee wadamada qaar uu u geystay Cudurka Coronavirus, isla markaana Soomaaliya ay kamid tahay dalalka uu Cudurka saameeyay.
Mr. Beyle, ayaa waxaa uu sheegay in waddamada ay badankood soo jeediyeen hadalo dhowr ah oo ku saabsan in dalalka sida ay u kala daran yihiin loo caawiyo, islamarkaana la sameeyay dhaqaallo arruurin ballaaran si dalalkaas dhaqaalahooda uu u sii kabmo.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





