Saturday, May 9, 2026
26.9 C
Mogadishu

Guddiga arrimaha bulshada Aqalka sare oo kulan su’aallo waydiin ah la yeeshay Wasiirka Waxbarashada Goodax Barre

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada, Arimaha bini’aadannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka Golaha aqalka sare BF Soomaaliya ayaa kulan xog wareysi la yeeshay Sii-hayaha wasiirka wasaarada waxbarashada XF Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Goodax Barre.

Kulankan ayaa waxa uu ka dhacay xarunta golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Guddiga iyo sii-hayaha wasiirka waxbarashada ayaa waxa ay qaateen kulan saacado socday, kulanka markuu soo gaba-gaboobay waxaa saxaafada la hadalay Sii-hayaha wasiirka Wasaarada Waxbarashada XFS Cabdullaahi Goodax Bare.

Wasiir Goodax Barre ayaa waxa uu sheegay in gudiga uu warbixn guud ka siiyay waxqabadka wasaarada waxbarashada, Natiijada imtixaanka dugsiyada sare dalka iyo arrimaha Jaamacadaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada, Arimaha Bini’aadannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka BF Soomaaliya, Axmed Macallin Cumar Nadiir ayaa sheegay in sii-hayaha wasiirka waxbarashada uu warbixin guud ka siiyay waxbarashada dalka iyo halka ay marayso.

Ugu dambeyn, waxaa labadii maalmood ee la soo dhaafay si weyn loo hadal hayay natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee dalka iyo kaalimaha ardayda galeen, iyadoo gobolka Banaadir ay ka dhaceen arday badan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...