Thursday, May 14, 2026
29.9 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay Qarax lala eegtay Ciidamada Danab iyo Kuwo Mareykan ah

J/Hoose (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Jubbada hoose ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in Isniintii maanta uu halkaasi ka dhacay Qarax Ismiidaamin ah oo uu fuliyay ruux naftiis halige ah.

Qaraxan ayaa waxaa lala eegtay Kolonyo gaadiid ah oo isugu jira Ciidanka Danab iyo Ciidan Mareykan ah, kuwaasi oo maraayay duleedka deegaanka Janaa Cabdalle ee Gobolka Jubbada hoose.

Gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa dhexda ka galay Kolonyada gaadiidkaan, kadibna isku qarxiyay, waxaana la sheegay Ismiidaaminta kaddib inay xigtay dagaal toos ah.

Ilaa iyo hadda lama oga Khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah ee ka dhashay Qaraxaan Ismiidaaminta ah ee lala eegtay Kolonyada gaadiidka ee Ciidamada Mareykanka iyo Kuwa Danab ay wateen.

Deegaanka Jana Cabdalle ayaa waxaa ku sugan ciidamada Xoogga dalka oo Al-Shabaab ka saaray deegaankaasi, inkastoo Al-Shabaab weli ay isku dayayaan inay dib u qabsadaan deegaankaasi.

Ugu dambeyn, Deegaanka Janaa Cabdalle wuxuu ku yaallaa duleedka Magaalada Kismaayo, qiyaastiina waxa ay Kismaayo u jirtaa 60 KM waa meel istaraatiiji ah oo Al-Shabaab markii hore weerarada ay ka soo abaabuli jireen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...