Monday, June 1, 2026
26.6 C
Mogadishu

Axmed Madoobe ‘‘Markii la ogaaday in Aniga & Deni aynu tagayno Shirka Dhuusamareeb3 waa la soo gabagabeeyay”!

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe) oo goor-dhow khudbad ka jeediyay kulan uu la yeeshay guddiga joogtada ee Golaha Aqalka sare ayaa waxaa uu ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, sida doorashooyinka, khilaafka kala dhaxeeya DFS iyo Arrimaha Gobolka Gedo.

Madaxweynaha Jubbaland, Aaxmed Madoobe ayaa isaga oo ka hadlay Arrimaha khilaafka waxaa uu sheegay in looga baahan yahay Dowladda inay sharciga ilaaliso waxa uu siinaayo ay qaadato, waxa iyaga siinayaana ay siiso.

Axmed Madoobe ayaa intaasi ku daray, in aysan jirin siyaasad ay isugu imaanayeen dowladda iyo dowlad gobaleedyada, si talada dalka wax layska waydiiyo.

Sidoo kale, wuxuu soo hadal qaaday Axmed Madoobe Shirkii Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle ay ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb, waxaana uu sheegay in shirkaasi la soo xiray markii la ogaaday in isaga iyo Madaxweynaha Puntland ay tagayaan.

Madaxweynaha Jubbaland, ayaa xusay, in wixii shirkii Dhuusamareeb ka dambeeyay ay billaabatay is-jiid-jiid iyo kala qub-qubnaan oo ay mas’uuliyadeeda leeyihiin Xildhibaannada Golaaha Shacabka, isla markaana ay sababtay wadashqeyn la’aanta labada Gole ee Baarlamaanka.

Axmed Madoobe ayaa ugu dambeyn ugu baaqay madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu simo labada Aqal ee BF Soomaaliya uuna yimaado Aqalka sare.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...