Monday, June 1, 2026
26.8 C
Mogadishu

Wariyeyaal lagu xiray magaalada Garoowe, kaddib markii…

Garoowe (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland, ayaa sheegaya, in agaasimaha Radio Daljir ahna ku-xigeenka Tifaftiraha Dahir Khadar Cawl iyo Wariye Cabdiqani Fantastik lagu xiray Saldhiga dhexe ee magaaladaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya, in ciidamo ka tirsan booliska Puntlad ay xireen labada wariye, waxaana lagu soo warramayaa in xarigaasi uu dhacay xilli ay doonayeen inay maxkamadda jawaab ka bixiso ehellada marxuum Hodan Shanlayste oo shalay maxkamadda Garoowe ku dhaliilay caddaalad darro.

Hodan ayaa aheyd marxuumad horey dil iyo kufsi loogu geystay magaalada Garoowe.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya, in guddoomiyaha maxkamadda uu ku amray Ciidamada inay xabsiga dhigaan wariye Khadar Cawl iyo Cabdiqani Fantastic oo arrimaha shaqo u tagay maxkamadda iyo jawaab inay ka bixiyaan eedaha loo jeediyay maxkamadda Degmada Garoowe.

Dalka Soomaaliya ayaa waxa uu ka mid yahay, waddamada caalamka ay suxufiyiinta ku shaqeeyaan xaalado adag, islamarkaan la kulma xarig, hanjabaad iyo dil.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...