Muqdisho (Halqaran.com) – Sii-hayaha Wasiirka Waxbarashada XF Soomaaliya, Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka hadlay qorshaha Wasaaradda kaga aadan ardeyda wax ka barata iskuulaadka Puntland ee aan ka qeyb qaadan imtixaanka Shahaadiga ah.
Wasiir Goodax Barre ayaa sheegay in marnaba aysan dhici karin in Shahaado la siiyo Arday aan gelin imtixanka dowladda, islamarkaana Ardayda Puntland aan la siin doonin Shahaadada Dugsiga Sare.
Wuxuu ugu baaqay madaxda Sare ee Dowlad Goboleedka Puntland in aan la siyaasadeyn imtixaanka iyo waxbarashada Carruurta, isaga oo sheegay in uu aad uga xun yahay in Ardayda Puntland aysan helin Shahaadada.
Wasiirka Waxbarashada ee Xukuumadda Soomaaliya, Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in sida ay doonayaan madaxda Puntland ee la xiriirta qaadista imtixaanka ay wax badan oo kale meesha ka bixi doonaan uuna imaan doono tafaraaruq.
Ugu dambeyn, Sidoo kale wuxuu Puntland ugu baaqay inay qaataan Buugaagta Manhajka Cusub ee Wasaaradda Waxbarashada XF Soomaaliya bixineyso.
Halka hoose ka dhageyso Codka Wasiir Goodax Barre:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





