Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ee UPD, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo safirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto ayaa kulan goor dhow soo idlaaday uga wadahadlay arimaha siyaasadda Soomaaliya, ayagoo kulankooda diirada ku saaray doorashada 2021.
Labada masuul ayaa si qoto dheer u faaqiday hanaanka doorashada la filaayo inay dalka ka dhacdo, iyadoo la isla wada ogol yahay.
Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb. Yamamoto ayaa saameyn wayn wuxuu ku leeyahay marxaladda kala guurka ee Siyaasadda Soomaaliya.
Waxaa caawa la filayaa Madaxtooyadda Soomaaliya inuu ka qabsoomo kulan u dhaxeeya Madaxweynaha JF Soomaliya iyo madaxda Maamullada Puntland & Jubbaland oo ay uga wada hadlayaan arrimaha doorashada Soomaaliya.
Si kastaba ha’ahaatee, xiisada ka taagan arrimaha doorashada Soomaaliya ayaa wali muuqata, waxaana jira kulamo kala duwan oo xasaasi ah, kuwaasi oo laga leeyahay arrimaha doorashooyinka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





