Thursday, April 30, 2026
29.9 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Somaliland oo baareysa saameynta caafimaad ee hirarka Isgaarsiinta

Hargeysa (Halqaran.com) – Somaliland ayaa Isniintii maanta ku dhawaaqday inay bilaabeyso baarista halista caafimaad ee ay keeni karaan anteenada ama taawarrada shirkadaha isgaarsiinta ka howlgalla deegaannadeeda.

Somaliland ayaa soo iibsatay qalab lagu ogaanayo awoodda hirarka ay taawarradu gudbinayaan, sida ay shaaciyeen mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland, kadib munaasabad ka dhacday Magaalada Hargeysa.

Wasiirka isgaarsiinta Somaliland, Cabdiwali Cabdillaahi Suufi oo la hadlay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in qalabkan loogu talo galay inuu maamulo hirarka isgaarsiinta, in lagula socdo shucaaca ka soo baxa taawarrada iyo goobaha isgaarsiinta, iyo in lagu horumariyo cilmi baarista teknolojiyadda.

Waxaa horay ayaa u jirtay cabasho iyo cabsi laga qabo saamaynta caafimaad darro ee ka dhalan karta hirarkaas oo dad badani ka hadlaan qaarkoodna ay qoraallo ka sameeyeen.

Wasiirka isgaarsiinta Somaliland ayaa sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono shirkaddii lagu helo in ay taawarradeedu sababaan xaalad caafimaad darro.

Halka hoose ka dhageyso Codka Wasiirka Isgaarsiinta Somaliland, Cabdiweli Cabdullaahi Suufi:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...