Saturday, June 6, 2026
28.1 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Aabihii Wiilkiisa ku dilay magaalada Jowhar oo sheegay Sababtii ka dambeysay!

Jowhar (Halqaran.com) – Iyadoo Sabtidii 29-kii bishan Agoosto xilli fiid ah duleedka Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ay ka dhacday dhacdo argagax laheyd, kaddib markii Aabe uu dilay wiilkiisa oo uu ku tuuray Wabiga, ayaa arrintaasi waxaa ka hadlay aabihii falka gaystay.

Aabaha falka dilka ah gaystay ayaa waxaa lagu magacaabaa Muxumed Dhaayow Aadan, waxaana uu Saxaafadda u sheegay isaga oo ku xiran Saldhiga Booliska Jowhar inuu isaga gacantiisa ku dilay wiilkiisa.

Muxumad Dhaayow Aadan ayaa sheegay, in wiilkiisa uu ahaa shaqsi dhib badan, islamarkaana uu isticmaali jiray maandooriyaha qaybihiisa kala duwan, waxaaba uu sheegay falal dhacdooyin kala duwan uu gaystay inuu qarash ka bixiyay.

Wuxuu ku sheegay sababta dilka wiilkiisa ku kaliftay inay ugu wayn tahay, kadib markii uu dadka ehelka ahna nafta u keenay oo xoolahoodii uu xadi jiray.

Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Jowhar Maxamed Canjeex ayaa sheegay Booliska inay ku guuleysteen soo qabashada shaqsigaan, islamarkaana sharciga uu hadda gacanta ugu jiro.

Dhacdadan ayaa aheyd fal argagax leh, maadaama Aabahan uu u bareeray wiilkiisa oo 20 jir ahaa inuu xir xiray, kadibna uu ku tuuray Wabiga Magaalada Jowhar, halkaasina uu ku dhintay.

Halka hoose ka dhageyso Codka Aabaha Wiilkiisa ku dilay magaalada Jowhar:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...