Garoowe (Halqaran.com) – Shirka Golaha Wasiirrada ee dowlad goboleedka Puntland oo uu shir guddoomiyey Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta lagu ansixiyey xeerka isgaarsiinta Puntland.
Kulankaan oo ahaa mid aan caadi aheyn ayaa sidoo kale golaha Wasiirrada waxa ay kaga doodeen xaaladda guud ee Pntland
Sidoo kale, Shirka ayaa looga hadlay amniga guud, dhisidda Goleyaasha Deegaanka ee Degmooyinka Galdogob iyo Bursalaax, xaaladda Ayaxa, midaynta Akoonada Dowladda (TSA), dib u habaynta mushaharka shaqaalaha iyo dhismaha garoomada kubadda Cagta Puntland.
Kulankii maanta ee Golaha wasiirrada ee Puntland ayaa waxaa diiradda lagu saaray Safarka Madaxweyne Saciid Deni uu maalmaha soo socda ku imaan doono Caasimadda Muqdisho.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com








