Muqdisho (Halqaran.com) – Taliyihii hore ee hay’adda nabad suggidda Soomaaliya ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa shaaca ka qaaday in haddii kursiga ra’iisul wasaaraha dalka uu sii banaanaado inay meel ku dhac ku tahay hannaanka awood qeybsiga Soomaaliya.
Mar uu la hadlayay Telefeshinka Somali Cable ayuu sheegay in madaxweynaha JF Soomaaliya, Farmaajo uu ku xadgudbay Dastuurka dalka, maadaama 30 cisho ka badan uusan wali soo magacaabin Ra’iisul Wasaare cusub.
Sanbaloolshe, ayaa sheegay in Kursiga Ra’iisul Wasaaraha uu ku yimid 4.5 haddii aan la soo magacaabine ay tahay in Miiska Siyaasadda ay ka maqan yihiin mid ka mid ah beellaha Soomaaliyeed oo Madaxweyne Farmaajo uu dulmaayo.
Sidoo kale, waxaa uu sheegay in Farmaajo uu raadinaayo Ra’iisul Wasaare gadaal indho ku leh oo aan la aheyn hami Siyaasadeed.
“Kursiga Ra‘iisul Wasaaruhu waa banaan yahay micnaheedu Hawiye ayaa miiska siyaasada iyo talada ka maqan”, ayuu yiri Taliye Sanbaloolshe oo la hadlay Telefeshinka Soomaali Cable.
Ugu dambeyn, Taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe oo ka hadlay sababaha wali aan loo magacaabin ra‘iisul wasaaraha ayaa waxa uu yiri, “Waxa uu raadinayaa Farmaajo ‘Raisul Wasaare‘ gadaal indho ku leh”.
Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaan weli soo magacaabin muddo bil ka badan ra’iisul wasaarihii baddeli lahaa Mudane Xasan Cali Kheyre oo 25-kii bishii July ay kalsoonida kala noqdeen Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





