Monday, June 1, 2026
26.8 C
Mogadishu

Sii-hayaha Ra’iisul Wasaaraha oo Kulan la qaatay agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha

Muqdisho (Halqaran.com) – hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxuu kulan kula qaatay agaasimayaasha guud ee wasaaradaha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo salka ku hayay dardar gelin shaqooyinka dowladda iyo is-xog wareysi guud ayaa intii uu socday waxuu mudane Mahdi Guuleed amaanay dowrka agaasimayaasha guud ay ku leeyihiin socodsiinta shaqooyinka qaranka.

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha oo caddeeyay guul laga gaaray Amniga, arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo siyaasadda loo dhanyahay, ay horumuud u ahaayeen agaasimayaasha guud iyo shaqaalaha dowladda.

Mr. Mahdi ayaa kula dardaarmay inaysan halkaa ku ekeysan ee ay sii dardar geliyaan shaqooyinka si loo gaaro horumarka la hiigsanayo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...