Wednesday, June 3, 2026
27.9 C
Mogadishu

Sii-hayaha ra’iisul wasaaraha dalka oo kormeeray Xabsiga Dhexe ee Xamar +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Sii-hayaha ra’iisul wasaaraha dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) ayaa Talaadada maanta ah oo kormeer ku tegay Xabsiga Dhexe ee Dalka.

Mr. Mahdi Maxamed Guuleed ayaa kormeerkii uu ku tegay Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho ugu kuur galayay xaalada guud ee xabsiga.

Sii-hayaha ra’iisul wasaaraha dalka, markii uu gaaray xabsiga dhexe waxa uu salaan sharaf ka qaatay ciidamada oo goobta loogu diyaariyay.

Sidoo kale, waxaa goobta ku soo dhaweeyay Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Generaal Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Sii-hayaha ra’isul wasaaraha dalka ayaa warbixin ka dhageystay taliska Asluubta. waxuu taliska asluubta kula dardaarmay dardargelinta qorshaha adkeynta amniga, xanaaneynta iyo horumarinta nolosha maxaabiista si loogu diyaariyo mustaqbal ifaya.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...