Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Xubno ka tirsan Xisbigaasi ayaa Talaadada maanta ah gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.
Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeya mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan maamulka Galmudug.
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, hadal kooban oo uu siiyay Saxaafadda ayaa wuxuu kaga mahadceliyay sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay Magaalada Dhuusamareeb, waxaana uu Bulshada deegaanka uga mahadceliyay Shirarkii lagu qabtay Magaaladaasi ee wafidgii badnaa ku martigeliyeen.
Wuxuu sidoo kale, Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Dhuusamareeb uu uga soo gudbi doono Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland.
Magaalada Garoowe waxaa lagu marti qaaday inuu hadal ka jeediyo xarunt PDRC ee Magaaladaasi, sida uu ku sheegay hadalka kooban ee uu Saxaafadda Siiyay.
Si kastaba, xiisada siyaasadda Soomaaliya ayaa waxa ay tahay mid aad u kacsan, walina sida muuqata laguma heshiin hannaanka loo qaban doono doorashada la filaayo inay dalka ka dhacdo.
Muddo bil ah ayaa laga joogaa markii xilka laga qaaday ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, welina ma muuqato saan-saan ra’iisul wasaare cusub lagu soo dooranayo.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com








