Sh/Hoose (Halqaran.com) – Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo muddooyinkii dambe dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka waday deeganao iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose, ayaa la wareegay gacan ku haynta deegaan Al-Shabaab ay kaga sugnaayeen Gobolka Shabellaha hoose.
Ciidamada Danab ayaa ka ruqaansaday Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha hoose, waxaana ay qabsadeen oo gacanta ay ku dhigeen deegaanka Daaru Salaam oo ay ku sugnaan jireen Al-Shabaab.
Deegaanka Daaru Salaam waxa ay u dhaxeysaa Awdheegle iyo Mubaarak, markii hore waxaa la oran jiray deegaanka Daanyeerey, balse Al-Shabaab ayaa ka bedelay magacii lagu yaqaanay.
Hawlgalka lagu qabsaday Daaru Salaam saraakiisha waxa ay sheegeen inay ku dileen ku dhawaad 10 xubnood oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab, sida Warbaahinta ku hadasha afka dowladda uu u sheegay Taliyaha Guutada 16-aad Kumaandooska xoogga dalka danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin.
Sidoo kale, sarkaalkaan ayaa sheegay inay duqeyn ku dileen xubno kale oo badan Al-Shabaab ka tirsan, kuwaasi oo isku dayay inay ka firxadaan gacanta Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay kaabiga ku sii hayaan Deegaanka Mubaarak oo aan sidaasi uga fogeyn Deegaanka Daaru Salaam ee Gobolka Shabellaha hoose.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





