Jowhar (Halqaran.com) – Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo inta badan gobollada dalka kawada howlgallo ka dhan ah Ururka A-Shabaab ayay ciidamada ka sameysteen saldhig cusub magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Taliyaha guutada 16-aad Kumaandooska Xoogga Dalka, Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo la hadlay Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in saldhigan ciidanka Danab ay ka sameeysteen magaalada Jowhar ay ugu talagaleen in lagu dardar-galiyo howlgallada Al-Shabaab looga saarayo Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.
“Ciidanka Kumaandooska waxeey xarumo kuleeyihiin Juballand, Koonfur Galbeed, Galmudug, haddana Hirshabeelle ayay ka sameeysteen dhowaan, waxaan dalka oo dhan ay ka xorreyn doonaan Mintidiinta Al-Shabaab ee dhibaatada ku heysa shacabka Soomaaliyeed‘‘, ayuu yiri Taliye Ismaaciil.
Taliyaha ayaa xusay in ciidanka Danab ay howlgallo ka fuliyeen inta u dhexeysa magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho, halkaasi oo ay dhibaato ku qabaan shacabka iyo gaadiidka labada dhinac isaga kala gooshta.
Gashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa hadalkiisa intaasi raaciyay in ciidanka ay cagta mariyeen jid gooyooyin lagu dhibaateynayay shacabka, waddaduna ay ka saaraan miinooyin dhulka lagu aasay.
Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan gobollada dalka oo dhan ayaa waxay wadaan howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, iyadoo mararka qaarna ay la kulmaan weerarro kala duwan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





