Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Iyadoo xalay uu ka furmay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug Shirkii wadatashiga ee Madaxda DF Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ayaa waxaa ka maqnaa madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland Saciid Deni iyo Axmed Madoobe.
Sababta ugu weyn ee loo aaneynayo inaysan madaxda labada maamul aysan ka soo qeybgalin ayaa lagu sheegay inay tahay khilaaf hareeray shirka Dhuusaamareeb 3 oo ah mid horey loogu ballansanaa in la isugu soo noqdo.
Mid ka mid ah qodobbada ugu waaweyn ee saldhigga u ah ismaan-dhaafka hareeyay shirka Dhuusamareeb ayaa lagu tilmaamay go’aankii meesha looga saaray xukuumaddii uu Ra’iisul Wasaaraha ka ahaa Xasan Cali Kheyre, taasoo lasoo billaabatay hannaanka shirka wadatashiga.
War-saxaafadeed 16-kii bishan ay soo saartay Puntland ayaa u muuqday mid ay ku qaaddaceen wajiga saddexaad ee Shirka Dhuusamareeb, oo furmay.
Maamul goboleedka Jubbaland ayaa mowqifkaas la qaba Puntland, wuxuuna sheegay in wajigii labaad ee shirka Dhuusamareeb la qaaday tallaabooyin dib u dhac sababay.
Ugu dambeyn, mas’uuliyiinta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxay qoonsadeen burburinta xukuumaddii federaalka.
Haddaba arrimahaasi ayaa laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ka wareysatay Wasiirka Warfaahinta ee maamulka Galmudug Axmed Shire Falagle. Halka hoose ka dhageyso Wareysiga oo dhammeystiran.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





