Saturday, May 9, 2026
26.9 C
Mogadishu

Weerar toos ah iyo qarax oo lagu qaaday Hotel ku yaalla Xeebta Liido & rasaas la maqlayo

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin horudhac ah ka soo baxaya weerar ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu weeraray Hotelka Elite ee ku yaalla Xeebta Liido

Hotel caanka ah ee Elite oo ka mid ah hoteellada sida casriga loo dhisay ayaa waxaa la xaqiijiyay in lagu weeraray gaari qarax ay ku xiran yihiin iyo dabley hubeysan gudaha oo gudaha u galay.

Waxaa hadda gudaha hotelka Elite laga maqlayaa dhawaqa rasaas xooggan.

Ciidamada Ilaalada Hotelka iyo dableydii weerartay hotelka ayaa hadda ku dhex dagaallamaya gudaha Hotelka, waxana gudaha hotelka ku jira dad badan oo shacab ah.

Sidoo kale, goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidanka booliska.

Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe insha allaah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...