Dhuusaamreeb (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug,
Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa waxaa Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay, madaxweynaha Galmudug Qoorqoor, ku-xigeenkiisa Cali Ciid iyo mas’uuliyiin kale oo aad u tira badan.
Madaxweynaha iyo Wafdigiis ayaa la qorsheynayaa inay kulamo la qaataan Maamulka iyo qeybaha bulshada ee magaalada Dhuusamareeb, iyagoo halkaasina uga qeyb galaya Shirka ‘Dhuusamareeb Saddex‘ ee looga tashanayo arrimaha Doorashooyinka Dalka.
Shirkan ayaa ah wajigii 3-aad ee Shir wadatashi ah oo ka dhacaya isla Dhuusamareeb ayna yeelanayaan madaxweynayaasha shanta dowlad goboleed ee kala ah; Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland iyo madaxda dowladda Dhexe.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





