Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhow Khudbad u jeediyay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BF Soomaaliya.
Wuxuu si faahfaahsan uga hadlay madaxweyne Farmaajo xaaladda dalka iyo sidoo kale Shirkii dhawaan ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb iyo Shirkii lagu waddo in dhawaan ka furmo Magaalada Dhuusamareeb.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in go’aan kasta oo lagu gaaro Shirka Magaalada Dhuusamareeb oo dib ugu soo celin doona xildhibaannada Golaha Shacabka.
Farmaajo ayaa xusay, in uu ilaalin doono Sharcigii doorashooyinka oo ay meel-mariyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka.
Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaan ka hadlay in Baarlamaanka Soomaaliya ay u sameeyaan muddo kordhin xilliga uu soo magacaabayo ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka.
“Waxaa idin caddeynayaa heshiis walba inaan halkan ku soo celiyo heshiis walba oo aan la gaarno dowlad goboleedyada, si kaalintiina dastuuriga ah aad uga gaartaan” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka horjeedinayay Xildhibaannada Golaha Shacabka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





