Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa Saacaddaha soo socda in uu gaaro Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, halkaasi oo uu ka furmi doona Shirka Dhuusamareeb 3.
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa xaqiijiyay Safarka Madaxweynaha ee Dhuusamareeb.
“Iyada oo la tixraacayo dadaallada socda ee la xiriira dowlad-dhisidda iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta ka dhaxeysa DFS iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah, horena loogu sii dhaqaajin lahaa wada hadalladii socday, ayuu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u safri doonaa berri magaalada Dhuusamareeb si uu u hoggaamiyo wareegga labaad ee Shirka Wadatashiga” ayuu yiri Madaxa Warfaafinta xafiiska Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweyne Farmaajo ka hor inta uusan u ambabixin magaalada Dhuusamareeb ayaa khudbad uu kaga hadlaayo arimaha doorashooyinka u jeedin doonna Xildhibaannada Golaha Shacabka.
Hadalka uu madaxweyne Farmaajo ka jeedin doona kulanka Xildhibaannada Golaha shacabka ayaa si aad ah loo hadal hayaa, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in uu dalban doono in loo kordhiyo waqtiga magacabista ra’iisul wasaaraha cusub.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





