Sunday, April 26, 2026
24.9 C
Mogadishu

Sheekh Shariif iyo Wasiirka Arrimaha dibadda ee Finland oo arrimo muhiim ah kawada hadlay

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa kulanka dhinaca qadka ah la yeeshay Wasiirka arrimaha Dibadda Finland Pekka Haavisto, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in Safiirka ay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin xaalada siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

“Waxaan qadka ku wada hadalnay Wasiirka Arrimaha Dibadda Finland Pekka Haavisto, oo aan ka isla soo qaadney xaaladda guud ee Soomaaliya. Si gaar ah waxaan uga hadalnay arrimaha doorashooyinka, Amniga, wadahadallada Somaliland iyo qatarta caafimaad ee Covid-19‘‘, ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sheekh Shariif ayaa uga mahadceliyay doorka taageero ee dowladda Finland ay la garab taagan tahay Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...